14 Ogosto 2026, Dr. Najib Isse Dirie, Guddoomiyaha Kulliyadda Caafimaadka iyo Qalliinka ee JUS, oo safar shaqo ku joogay London, ayaa booqasho ku tegay Professor Emma Morris, Guddoomiyaha Kulliyadda Caafimaadka (Faculty of Health) ee University College London (UCL).
Labada guddoomiye waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labadooda kulliyadood, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta manhajka caafimaadka, cilmi-baarista, iyo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha macallimiinta iyo ardayda JUS.
Kulanka wuxuu ku soo gabagaboobay is-afgarad iyo diyaar-garow ah in la dhiso iskaashi wax-ku-ool ah oo dhex mara labada kulliyadood.